x

Wax ku saabsan Barnaamijka Ingiriisiga Soo-galootiga Dadka Waaweyn

  • Helidda ilaa 510 saacadood oo ah casharro Ingiriisi ah oo lacag la’aan ah iyo childcare lacag la’aan ah (haddii loo xaq leeyahay)
  • Baro Ingiriisiga camaliga ah ee nolosha, shaqada iyo daraasadda Australia
  • Baro sida loo helo adeegyada dowladda iyo kuwa bulshada
  • Samee saaxiibo cusub kuwaas oo dhawaan yimid Australia
  • U-diyaargarow shaqo ama daraasad qorshaysana mustaqbalkaaga

Shuruudaha Ogolaanshaha

  • Waxaa lagu siiyey fiisada ku-soo-galidd Australia. Fadlan isku-diiwaangeli lix bilood gudahooda ka bilaabata helidda warqadda fiisadaada.
  • Waxaad haysataa fiisada qoyska, xirfadda, banii-adamnimada, xaaska ama fiisada ku-meel-gaarka la-ogolaaday.*
  • Inaadan ingiriisiga ku hadli karin/aqrin Karin/qori Karin ama u baahan tahay inaad kor-u-qaado Ingiriisigaaga.
  • Inaad jirto da’ ka weyn 18 sano. Dhalinyarada soo-galootiga qaarkood oo da’doodu u dhaxayso 15-17 xaq bay u leeyihiin.

*Fadlan la soco in fiisooyinka ku-meelgaarka ee la-ogolaaday inaysan ku jirin fiisada shaqada iyo fasaxa, fiisada fasaxa shaqada ama fiisooyinka booqashada.

Dariiqooyinka daraasadda ee kala-duwan

  • Ka baro waqti-buuxa ma awaqti-dhiman goobaha ku yaal Queensland.
  • Hel inuu ku taageero baraha guriga oo folanteeri ah haddii aadan iman karin waqti-buuxa.
  • Ka baro online adoo raacaya waxbarashada aqoon-dirsadka.
  • Dhammayso AMEP-kaaga shan sano gudahooda laga bilaabo imaanshaha Australia.

Maxaan ka baran doonaa fasalka?

  • Ka mid noqo fasalka ku habboon heerka Ingiriisigaaga.
  • Haku taageereen saraakiisha Xiriirka Bulshadeena iyo Maamulaha Kayskaaga AMEP intaad waxbaranayso.
  • Wax ka baro luqadda, dhaqanka iyo falalka goobta-shaqada Australia.
  • Waxaad heli kartaa waxbarash luqada (ingiriiisiga) hadii ay ku haysato arrimo xadidaya waxbarshadaada ama awoodaada wabarasho.
  • Waxaaad heli kartaa xanaano ilmood oo lacag la’aan ahmarkaad baranaysid Ingiriisiga (waxay ku xiran tahay ogolaansho-helid)
  • U diyaar garaw insu’aalo lagula yeeshi iyo inaad qorato Resume.
  • Kororso 80 saacadood oo khibrad shaqo ah

Sidee isku diiwaan galiyaa?

Hadda wax-weyddii

ama

WAC: (07) 3244 5488

ama

Booqo “TAFE Queensland location” meesha kuugu dhaw
Fadlan soo diyaarso faah-faahinta Paasapoorkaaga. iyo fiisahaaga

Halkan riix

 

Buuxi qiimaynta heerka aqoonta luqada ingiriiska Adoo la kaashanaya maamulaha AMEP.

 

Maamulahaaga AMEP ayaa kuu diyaarinaya fasasalka waxbarashada

 

 

 Wax ka weydii casharadeena Ingiriiska.

 

The AMEP is funded by the Australian Government Department of Education and Training.
In Queensland, the AMEP is delivered through TAFE Queensland.